Maxay tahay sababta ka danbaysa in Xukuumada lagu saleeyo 5 beelood oo laga tallaabo 4.5?

0

Xukuumadihii ugu danbeeyey waxaa lagu soo dhisay awood-qaybsiga ku salaysan shan beelood, laakiin baarlamanku waxa uu ku dhisan yahay qaacidada 4.5. Dadka qaar baa u haysta in ku salaynta Xukuumadda ee shan beelood ay ahayd tallaabo wanaagsan oo loogu danaynayey dad Soomaaliyeed oo la dulmiyey oo markan xaqoodii loo soo dhiciyey.

Kolay anigu taa ma qabo oo waxay markii horeba ila ahayd qorshe siyaasadeed oo shakhsiyaad damac weyn ka leh siyaasadda ay ku doonayeen in aanay suuragal ahayn in ay xilal waaweyn oo wasiirnimo qabtaan haddii aan shan beelood wax lagu salayn, waana sedbursi iska cad.Taasi waa u meel martay oo wey qabteen xilalkaasi, iyadoo xitaa beelo .5 ka mid ah oo ka xildhibaano badan kuwaasi aan loo oggolaan iney wasiir noqdaan.

Waxaa jira dad ku dooda 4.5 waxa uu qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ka dhigayaa kuwo aan dhamaystirnayn, halka kuwo kalena uu ka dhigayo kuwo dhamaystiran, Runtii, ma jiraan dadka kala sarreeya ama qaar dhamaystiran iyo kuwo aan dhamaystirnayn ee dadka Soomaaliyeed waa siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka qarankan weyn hortiisa.

Qabiilada .5 galay qaarkood beelahoodii waaweynaa ayey ka tageen si ay halkaa xubno fiican uga helaan! waa yaab oo maxaad u geleysaa meel aan dhamaystirnayn oo uga cararaysaa meel dhamaystiran, taa jawaabteedu waxa weeye waa wax ku salaysan awood qaybsi siyaasadeed.Hadda ayey beelaha qaar dib uga soo noqonayaan .5-ka markii ay arkeen in uu dhammaad ku dhow yahay.

Nidaamka 4.5 ma aha mid bulsho ama ijtimaaci ah ee waa mid siyaasadeed oo ku salaysan awood qaybsi, markaa dadka leh qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayuu naaqus ka dhigayaa waxba kama jiraan hadalkaasi oo dadka Soomaaliyeed waa siman yihiin mana jiraan qof qof kale wax dheer. Hadii cid dulmi lagu hayo oo la liidayo waa in dulmiga laga qaaddaa dadka la hayb sooco ee Soomaaliyeed ee la diiday iney wax ka guursadaan dadka Soomaaliyeed ee kale iyagana wax laga guursado.

Qolyaha shanta beelood wax ku saleeyey haddii ay caddaalad ka hayd bal car arrintaa ha u hawlgaleen oo ha wada guursadeen gabdhaha dadka la hayb sooco ah. Dadka waxay kala saari la’ yihiin qaddiyad siyaasadeed iyo mid bulsho. Arrinta dadka la hayb sooco waa mid bulsho oo loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed u wada hawl galaan sidii meesha looga saari lahaa, halka arrinta 4.5 ay tahay arrin siyaasadeed oo awood-qaybsi ku salaysan waayo hal beel ma ahee beelaha kale ee ku jira .5 gabdhahooda waa la guursadaa.

Nidaamka 4.5 waa ku-meelgaar loo arkay xal, waxana uu dhammaanayaa marka dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo xildhibaanada laga soo doorto degaankooda (Constituency) ee ma aha wax dadka qaar loo qoray iney weligood sidaa ahaaneyso. Qofkii tira badan iyo kuwii tira yar markaasi ayaa la kala ogaanayaa, waxana xukuumadda soo dhisaya xisbiyada baarlamanka ku soo baxa ama ku awood bataa, xisbigii markaa aqlabiyad leh oo laga yabao inuu hoggaamiyo qof maanta .5 ah ayaa laga yaabaa in uu xukuumadda soo dhiso oo halkaana uu ku noqdo Ra’iisul Wasaare, haddii uu aqlabiyad waayona waxa uu xisbi kale ama xisbiyo kale la samaynayaa Xukuumad ku salaysan isbahaysi (Coalition) waa kan ugu xildhibaano badane ee arrintan yaan lagu salayn duruufta siyaasadeed ee maanta dalkeenna haysata oo ay qaar doonayaan iney siday ay iyagu rabaan uga faa’iideystaan.

Abdirashid Muse Said

abrashidmuse@gmail.com

The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.