Prof.Gaandi oo u damaashaaday magacaabista Cumar Iyo Axmed Madoobe Oo Godkiisa Biyo Ugu Soo Galeen…(XOG CULUS)

0

Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi ayaa aad ugu farxay markii lagu dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana taas badalkeeda naxdin iyo cuqdad caawa la jiifanaya wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay aad u xumaa xariirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe, Gaandi iyo Xuseen Cabdi Xalane waxaana siyaasad ahaan mideysan horjooge Madoobe iyo Xalane.

Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni ee Axmed Madoobe iyo sidoo kale Xuseen Xalane iyo rag kale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo aan helin magacyadooda ayaa waday qorshe Xasan Sheekh looga dhaadhicinayo inuu Ra’iisul wasaarihiisa seddexaad u xusho sii haya wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Qorshahaasi waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiir Faarax Cabdulqaadir hase yeeshee waxaa diiday midowga Yurub ka dib markii la ogaaday in Xuseen Cabdi Xalane yahay musuq-maasuqiiste iyo lunsasho lacag qaranka uu lahaa oo uu si xatooyo ah u isticmaalay.

Midowga Yurub ayaa diiday oo ka soo horjeesatay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane, oo ah nin musuq daashaday isla markaana aan aad u firfircooneen, waxaana Xalane uu yahay nin aad ugu dhow Amxaarada oo yaqaan Af-xabashida.

xalane
Xuseen cabdi Xalane, wasiir ku kacay musuq baahsan iyo lunsasho hanti qaran!

Xildhibaannada beesha Absame(Ogaadeen) oo uu ku kulmiyay Muqdisho Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan mooshinka lagu ridayo xukuumaddii hore Cabdiweli kulankaasoo dhacay xiligii uu mooshinka abuurmayay.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa qorsheynayay in markii Xalane loo magacaabo Ra’iisul wasaare in maamul ku sheegga Kismaayo uu ka dalbado in loo sharciyeeyo inta uu kursiga joogo.

Pro: Gaandi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa aad u soo dhoweeyay tallaabada madaxweynaha uu ku magacaabay Cumar Cabdirashiid waxaana warar hoose ay sheegayaan in labada masuul ay aad isugu xun yihiin, kadib markii uu kala saftay horjooge Axmed Madoobe.

Qorshaasi fashilmay ee ay wadeen horjooge Axmed Madoobe iyo dad kaloo beesha Ogaadeen u dhashay waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Jeneraal Gebra oo isagu ah nin Itoobiyaan ah haddana ka mid ah dadkii dhisay maleeshiyada Raaskambooni iyo Axmed Madoobe.

Gandhi-Madoobe2
Horjooge Axmed Madoobe & Xildhibaan Gaandi