Raisul Wasaarihii Baddeli Lahaa Cabdiweli Shiik Axmed oo Safaf Dhaadheer Loo Soo Galay.

0

Dad badan ayuu  ka qosliyay Amin Amir maanta mar uu soo saaray sawir gacmeed uu kaga turjumayo waxyaabaha ka dhacaya  madaxtooyada Xamar maalmahan.

Ninka  lagu xanto inuu yahay madaxweynaha dahsoon Mr. Abdikadir Topaz ayaa waxaa safaf dhaadheer toddobaadkan  u soo galayay rag isku sheegay inay yihiin siyaasiyiin ka soo jeedda beesha Daarood oo wata CV yadoodii oo bogog dhaadheer ku qornaa.

Raggan safka ku jira ee halkan idiinka muuqda  ayaa qof xoghayn u ah Faarax Cabdulqaadir (Faarax Topaz) noo xaqiijisay beelaha hoose ee ay ka yihiin Daarood…

Ninka bidixda xiga ee qoslaya isna baraya raggan iyo Topaz, ayaa naloogu sheegay inuu yahay nin reer Gedo ah, halka ninka dhexe naloogu sheegay inuu kasoo jeedo degaanka Puntlnad, ninka midigta soo xiga ayaa naloogu tilmaamay inuu ka soo jeedo Degaanka Jubbaland-DDS, ninka calooshiisu muuqata ayaa waxaa lagu tilmaamay nin reer Waqooyi ah oo qofka noo warramayay kala garan waayay inuu reer Khatumo yahay iyo in uu Reer Makhir ka soo jeeedo…

Saacadaha soo socda ayaan ogaan doonaa magaca dhabta ah ee Rasisulwasaaraha beddeli doono Cabdiweli Shiikh Axmed…ha ka fogaan mareegtan….

AMIN

W/Q: Habon Haji Abdi

Contact:habon.haji.abdi@gmail.com

The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.