Sawirro: Kulan Ay Beesha Sade Ku Yeelatay Magaalada Muqdisho Ayaa Lagu Dhaleeceeyay Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Gobollada Jubba.

0

Kulan ay manta  isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyii, aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo isla markaana looga arrinansanayay siyaasada gobolka,  ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob, oo saldhigiisu yahay in lagu dhaqmo isla markaana la tixgeliyo heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay Cali Xaashi Maxamed oo sharaxay ujjeedka kulanka loo qabtay, isagoo xusay in looga golleeyahay wadatashi guud in laga yeesha xaaladaha siyaasadeed ee gobolka Gedo iyo Jubbooyinka sidoo kalana aragtid mideysan laga yeesho xiligan kala guurka ah ee ay ku jiraan gobollada dhexe oo dhawaanahan ay socdeen qorshayaal la doonayo in loogu sameeyo mamul gobolleed

Col, Barre Aaden Shire (Hiiraale) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha ayaa sheegay dadka dagan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo in ay yeeshaan mowqif mideysan isla markaana ayan ku tashan dowladda Soomaaliya oo uu xusay in ay geysatay dhibaatooyin siyaasadeed oo dhan ah qaar kamid ah beelaha dagan gobollada Jubba.

Hiiraale ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda F. Soomaaliya in uu baal maray axdiga dalka isla markaana uu danihii iyo masiirkii Jubba ku maslaxeeyay shaqsiyaad ay wadaagaan dan gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Maxamed Awlibaax iyo Siyaasiga Bood Cabdulle Magan oo dhankooda hadlay ayaa ku baaqay in wadajir looga qeyb galo shirweynaha Midnimo ee Garbahaarey, iyadoo ay dadku markale isugu labanayaan tallo guud, waxana ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu galay dambi qaran oo u baahan in lagula xisaabtamo.

Ugu danbeyn, Ex, Xildhibaan C/laahi Maxamed Xersi (Qorrax) ayaa akhriyay  Warmurtiyeed ka kooban afar qodob. Waxana kamid ah qodobada baaq loo jeediyay dowladda Kenya oo ku aadan duqeymaha aan kala sooca lahayn ee ciidamadoodu ka wadaan Gedo, iyadoo la bartilmaameed sanayo xoolaha iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadka reer guuraaga ah ee gobolka Gedo dagan waxana loogu baaqay in la jojiyo ficiladaas fooxasha xun.

Shirku wuxuu sidoo kale taageeray shirka Garbahaarey,iyadoo lagu baaqay in si wadajir ah loo wada qeyb galo si danaha iyo mustaqbalka dadka looga wadatashado.

Shirku wuxuu baaq u dirayaa in la joojiyo dhibaatooyinka ka jira gobollada dhexe isla markaana laga daayo faragelinta iyo marooqsiga lagu hayo shirka maamul u samaynta gobollaadas.

Sidoo kale, shirku wuxuu cambaareeyay Siyaasadda Madaxweynaha ee ku wajahan gobollada Jubbooyinka isla markaana uu la safto qaar kamid ah dhinacyadii isku hayey gobolkaas.

Xildhibaan Qorax ayaa ugu danbeyn  sheegay, Madaxweyne Xasan inuu bilaabay dagaal siyaasadeed oo ka dhashay khilaafaadkii hareeyay isaga iyo Ra’iisul Wasaarayaashii ka dhashay beesha Sade isla markaana uu bilaabay in uu weerar qaawan ku qaado danaha ay beshu leedahay.

Ugu danbeyn, Waxaa si wadajir ah loosoo dhaweeyay Magaacabidda R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

20141222_121207

 

20141222_142201

20141222_110420 20141222_110444

 

20141222_110107

20141222_142926

20141222_112451

 

20141222_134647

20141222_110121

 

20141222_110301

20141222_111826

20141222_134716

20141222_134731

20141222_110212