Shaqo joojin ka billaabatay PUNTLAND kaddib mushahar la’aan muddo jirtay

0

Shaqaalaha maxkamadaha Puntland ayaa maalintii afraad shaqo joojin ku jira kadib markii ay mushaharaadkoodii waayeen muddo saddex bilood ah.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Gobalka Nugaal oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyey arintan.

Mas’uulkaasi wuxuu intaas ku daray in shaqo joojintu sii socon toona ilaa iyo inta ay mushaharaadkooda helayaan.

Docda kale warqad amar ah ayay maxkamaddu u gudbisay xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland ilaa iyo hadana wax jawaab ah lagama bixin.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland ayaa arrintan ka gaabsaday, waxaana uu sheegay inuusan wax jawaab ah bixineyn.

Ciidanka ayaa sidoo kale ka cabanaya inaysan bilhii lasoo dhaafay dowladda Gaas kahelin xaquuqdoodii, iyagoo sheegay inay adagtahay in sidan lagu sii shaqeeyo.

Cabashooyinkan is biirasaday ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2015 wasaaradda maaliyaduna sheegtay inuu jiro dakhli badan oo la filayo.