SHEEKO: Dameerkii Boqorka Lamooday. W/Q. Adam Hussein

0

Soomaalida iyo Bulshooyinka caalamka ayaa dhamaan ka siman in ay masa-bididdaan xayawaanada, afkana ugu tiraan, tiraab uunan Eebe awood usiin orashadeeda. Sida ay rumeysan yihiin abwaanada suugaantuna, tani waxa ay qeyb ka tahay tabaha ay bulshooyinku wax u tusaaleeyaan jiilasha ka danbeeyo iyo si ay u baraan hiddahooda.

Iyaga iyo ku Alla hoode, waxay sheegeen waa waayada kamid ah, ayuu Dameer damcay in uu noqdo boqorka Kaynta, Habar Dugaag wadar ahaantoodna ay sacabka u tumaan, sare na uqaadaan . Waxa uu rumeysnaa in uu mudan yahay in uu noqdo boqor, isaga oo si hoose isu tusay in boqornimadu aysan ahayn meeqaan sare oo lagu maamuusay Aar-libaax oo qura ah, ee ay tahay meerto , dhamaan habar dugaagna ay u wada siman yihiin.

Waxa uuse ogaa in aysan suurtagal ahayn Boqortooyo, iyada oo uu joogo Boqorkii kaynta iyo habar dugaag oo idil ahaan ba taqiinay dameer . Sidaa-daraadeed, waxa uu go’ansaday in uu hindiso xeelad uu ku hanan karo jagadaan. Waxa ay talo uga dhamaatay in uu xado “Koofiyadii iyo Maqaarkii ” Boqorka kaynta, si ay ugu suurta gashayba waa uu helay labadiiba, dabadeedna xirtay, waxa uuna u dhaqaaqay dhanka habar dugaag, isaga oo xitaa naf ahaan tiisa iska shakisan in uu dameer yahay iyo in kale.

Waa caadeede , Habar-dugaag dhamaan waxa ay sacab iyo ala’laas ku soo dhaweeyeen boqorka . Shinbiruhu geedaha baarkooda ayay heeso midiba ceynta tahay cod macaan ku xardheen. Halka xamaarataduna ay godadkeedii xaluulatay surkana ka soo taagtay irridda qolqolkeeda, ishana laraacday xarrago-kibir ka boqorka iyo damaashaadka ciidankiisa. Intii qanjaaful ka lahaydna goor hore ayay hadda cagaha wax ka dayeen, buuraha dhakadooda salaanta uga qaateen Boqorka.

Hayeeshe, horaa loo yiri “Laafyo aadan u dhalan lix Talaabo kulama gaaraan”. Waxa uu durbadiiba boqor kii la soo if baxay, wax caada maleh ah , horeyna aanan loogu baran boqorka kaynta. “Boqorku dareemada ma cuni jirin, mana digeyn jirin, ee miyuu bukaa?” ayay ku haasawday habar dugaag.

Waxa uu arrin sidaa ahaadaba, Dacawo(dawaco) oo loogu dawgalay dhagar iyo sir ayaa go’aansatay in ay u dhaba-gasho boqorka, ayna xuuraanto arrinkiisa. Waa Dameer iyo doqonimadiiye, waxa uu is yiri, mar haddii aad noqotay boqorka habar dugaag carriga adaa u weyn oo wax kaa daba hadli karaayi ma leh . deetana hada koofiyaddii iyo maqaarkii geed surtay ayuu sidiisii dureemada habeyn iyo maalin ba daliiqay . Goor uu ku hawlanaa cantuugada cawska ayay dacawo ka xadday Koofiyaddii waxayse u dhaaftay maqaarkii.

Dacawadi waxa ay isugu yeeratay habar dugag, una sheegtay xaqiiqada iyo wixii ay aragtay, dhamaan habar-dugaagna waxay ku dul waa bariisteen dameerki oo maqaarki xiran, dhagihii dheeraa ee cirka utaagnaa midba mar dhaqdhaqaajinayo . Halkaa ayuunu ku fashalay isku daygii dameerka.

Dulucda sheekada waxa ay tahay (qof waliba ma noqon karo boqor, xukunkuna waxaa haboon in uu gacanta ugu jiro kuwa sharafta iyo meeqaanka leh haddi kale fawdo iyo dulinimo ayaa dhici).

Malaheyga arrinta ay bulshooyinka dhamaan Libaaxa ugu baxsheen boqorka kaynta waxa ay tahay iyaga oo rumeysan milgaha iyo haybadda uu ku dhex leeyahay habar dugaag iyo sida uu uga gedisanyahay hab dhaqankiisu. Sida uu rumeysan yahay Cabdiraxmaan Bin Khulduun Caalimkii Muslimka ahaa ee “Cilmiga Bulshada”. ” Waxaa haboon in ay xukumaan bulshada kuwa dhexdooda ku leh haybadda, sumcadda wanaagsan, awooda iyo sameyntan.”

Sheekada waa sarbeeb hadal nin si u yiri nina si u qaadey fasirada idinkaa leh.

W/Q. Adam Hussein

Afeef: Qoraalkan Waa Aragtida Qoraaga Magaciisa Ku Saxiixan, Marnaba Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media.