WARSAXAAFADEEDKA:- Heshiiska ay wada gaareen Somalia iyo Somaliland (Qodobo xasaasi ah)

0

Kulan balaaran oo ay wada qaaten Madaxweynayaasha Jabuuti Ismail Cumar Geelle, Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Kulanka oo dhacay xili galab ah ayaa waxa uu ku qabsoomay Hotel Kempinski ee Magaalada Jabuuti, kaasi oo si hor dhac ay Seddexda mas’uul uga wada hadlayeen Arrimo la xiriira Midnimada Qaran Somalia iyo in la adeeco qodobada kasoo bixi doono shir maanta u furmi doono DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan oo isagu matalaaya gabi ahaan dalka Somalia, ayaa waxa uu kulanka ka sheegay in Somalia ay kasii baxeyso Burburkii ay dhowr sano ehelka u aheyd, islamarkaana uu xiligaani u arko in Somaliland ay kaalinteeda ka qaadato Midnimada Somalia, maadaama Dhowr sano ay baadi goobeysay madaxbanaani hadana aysan u suuragalin inay ka go’do Somalia inteeda kale.

Waxa uu Axmed Siilaanyo ugu baaqay in ka mas’uul ahaan uu u hogaansamo in Somalia qaranimadeeda laga shaqeeyo Somaliland-na loo aqoonsado Gobol kamid ah Somalia maadama iminkuba sidaa loo aqoonsan yahay.

Dhanka kale, Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo la wareegay hadalka ayaa waxa uu kulanka ka cadeeyay in DF Somalia ay sii lumineyso kalsoonidii Somaliland kala dhexeysay, waxa uuna farta ku goday in labada dhinacba ay ka talaaben qodobadii kasoo baxay heshiisyadii ka dhacay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Siilaanyo waxa uu sidoo kale sheegay inay adeeci doonaan Qodobada ka soo baxa shirka maanta lagu balansan yahay inuu ka furmo Magaalada Jabuuti, inkastoo uu ka gaabsaday inuu kusii fogaado soo bandhigida Cabashooyinkooda ka hor inta uusan shirka furmin.

Madaxweyne Geelle, ayaa dhankiisa Labada Mas’uul ugu baaqay inay qaatan wax waliba oo ku aadan maslaxada Ummada Soomaaliyeed waxa uuna Xusuusiyay in Caalamku uu maanta u talaabayo inay is uruursadan oo ay noqdoon Gobolo.

Waxa uu u balanqaday inuu garab kusiin doono, islamarkaana taageeri doono qodobada kasoo baxa kulanka weyn ee la filaayo inuu maanta ka qabsoomo Magaalada Jabuuti.

hes