TAARIIKHDA:- Maxaa ka taqaanaa Cumar Cabdirashiid (Cumar Suul Nuug), waa nin ceynkee ah….

0

Ambassador Sharmarke waxa uu dhashey 18 Juun 1960, maalmo ka hor markii Soomaaliya xoriyadda qaadatey, waxaana uu la kowsadey Soomaaliya oo gob ah.

Ambassador Sharmarke waxa uu ka soo jeeedaa qoys caan ah, Awoowihiis Cali Sharmarke waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaaney meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliga looga hadlo, waxa uuna ahaa gabyaa iyo aftahan waxyaabo badan lagu xasuusto. Aabihiis Cabdirashiid Cali Sharmarke waa Raysalwasaarihii u horeeyey ee Soomaaliya, kadib xornimada, kadibna noqdey Madaxweynaha Soomaaliya 1967, waxaana la diley isaga oo xilka haya 15 Oktober 1969, dilkaas oo looogu gogolxaarey in ciidamadu dalka qabsasdaan.

Cumar Cabdirashiid hooyadiis waa Ruqiya Macalin Daahir oo ka soo jeeda qoys caan ah ahaydna aqoonyahan.

Waxbarashada

Ambassador Cumar Cabdirashiid Cali waxa u waxbarashada ka bilaabey magalada Muqdisho taas oo uu ka gaarey heer jamaacadeed, waxaana uu ka qalinjebiyey jaamacadii Umadda Soomaaliyeed ee Gahayr isaga oo bartey cilmiga dhaqaalaha.

Waxbarashadiisa sare ayuu ku qaatey dalka Kanada, waxaana uu ka baxay Carleton University magaalada Ottawa, halkaas oo uu ka qaatey Cilmiga Siyaasadda shahaahada B.A, kadibna M.A ayuu ku qaatey Siyaasadda dhaqaalaha.

Khibradiisa shaqo

Xirfadiisi shaqo ee u horeysey waxa uu ka qabtey Bangigii Soomaaliya iyo shirkaddii Coca-Cola, kadib waxa uu u wareegey hay’adaha aan dowliga ahayn sida Centre for Peace and Development Initiatives ee dalka Kanada.

Sharmarke waxa uu sanadkii 2000 ka shaqo bilaabey Qaramada Midoobey, dalalka Sri Lanka, Sierra Leone iyo Sudan, halkaas o uu ka ahaa la taliye siyaasadeed. Sidoo kale waxa uu la taliye siyaasadeed u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) sanadkii 2008.

13 Febraayo 2009 ayaa Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed kaga dhawaaqey dalka Jabuuti in uu Raysalwasaaraha Soomaaliya u doortey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Baarlamaankii Soomaliya oo markaas fadhigiisu ahaa dalka Jabuuti tiradiisuna gaareysey 550 Xildhibaan ayaa ansixiyey.

Bishii May 2010 waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raysalwasaarihiisi Cumar Cabdirashiid, sidoo kale waxaa khilaafka baal socdey mid la doonaayey in xilka looga qaado Afhayeenkii Baarlamaanka ee xilligaas Sheekh Adan Madoobe.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, waana safiirkii u horeeyey muddo 20 sano ah kadib Soomaaliya u fariista dalka Maraykanka, waxaana warqadaha aqoonsiga ka guddoomey Madaxweyne barack Obama 14 Luuliyo 2014.

Ugu danbeyntii Ambassador Sharmarke waa xaas leh saddex caruur ah.