TOP DHAGEYSO:Col. Bare Hiiraale “Madaxweyne, Madaxweyne Ma Magacaabi Karo Dastuurkana Ma Dhigayo, Waana Sharci Daro”.

0

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Midnimada Jubba Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xaq iyo awood midna u laheyn inuu Horjooge Axmed Madoobe Madaxweyne u Magacaabo, Taasina ay tahay ku xad gudub Madaxweynaha uu ku xad gudbay Dastuurka iyo Sharciga dalka u yaala.

Col. Bare Hiirale oo u waramayay Idaacada BBC ayaa Waxa kale oo uu sheegay in Axmed Madoobe yahay hoggaamiye aysan dad soo dooran oo meeshana ku qabsaday si xoog ah, isla markaana madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh uusan isaga ka dhigi Karin madaxweyne.

“Axmed Madoobe madaxweyne ma noqon karo, sababtoo ah dastuurka ayaa u diidaya oo cid dooratay ma lahan, gobaladaas Jubbooyinka iyo Gedo waxaad og tihiin in lagu dagaalay marka qalad qalad ku sax looma baahna” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

Dhinaca kale Col Bare Hiiraale ayaa waxa uu sheegay in uu shir uga furmayo Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo dhamaan dadka dega gobolada Jubbooyinka horeyna hoowshooda ay iyagu qabsadeen haddana aysan cidna waxba ka sugeyn.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso..