Dhageyso:- Masuul ka tirsan Puntland oo lagu weeraray qarax miino oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu saaka ka dhacay qarax miino oo ah kuwa meelaha fog fog laga hago.

Qaraxan ayaa lala eegtay guddoomiye xigeenka gobalka Mudug ee maamulka Puntland kaasoo ku socday gaariga uu qaraxa haleeyay.

Qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa laga maqlay qaraxani, waxaana jirta inuu dhaawac halis ah soo gaadhay guddoomiye xigeenka la qarxiyay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in masuulkani uu si xun qaraxa ugu dhaawacmay kaaso hada lo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalacyo.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa isku geedaamay goobta uu ka dhacay qaraxa oo ah qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Wariye ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in dadka deegaanka ay ka kala carareen goobta uu qaraxan miino ka dhacay.

Maamulka Puntland weli wax faahfaahin kama uusan bixin qaraxan uu ku dhaawacmay masuulka ka tirsan, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in khasaaraha intaas ka badan yahay.

Halkan Hoose Ka Dhageyso