Top News: Ciidamada Sierra Leone Oo Dalka Isaga Baxaya Biloowga Bisha Janaayo…

0

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Sierra Leone ayaa sheegay in ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ay ka bixi doonaan Soomaaliya, kaddib markii la hakiyay ciidamo ka socda Sierra Leone in la geeyo Soomaaliya, iyada oo laga cabsi qabay in cudurka Ebola uu ku faafo dalka.

Madaxa shaqaalaha difaaca ee dalka Sierra LeoneSierra Leone, Gen. Samuel Omar Williams, ayaa Sabtidi sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya bisha January ee soo socota lagu celin doono magaalada Freetown, isla markaana aan la soo baddeli doonin.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay howlgalka AMISOM, ayaa lagu sheegay in 850 askari oo ka tirsan ciidanka Sierra Leone ay joogaan Soomaaliya muddo 12 bilood ah, isla markaana la hakiyay ciidamo la doonayay in lagu baddelo, iyada oo laga cabsi qabay faafidda cudurka Ebola.
AMISOM ayaa sheegtay in ciidamada Sierra Leone lagu baddeli doono ciidamo ka socda waddamo kale, inta uu weli dalkaasi ka jiro cudurka.

Ciidanka Sierra Leone ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la geeyay Soomaaliya sanadkii 2013, waxayna ka howlgalaan qeybo ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Sierra Leone waxa ay ka mid tahay waddamada ku yaalla Galbeedka Afrika ee sida ba’an uu u saameeyay cudurka Ebola, in ka badan 7,000 oo qof ayuu dilay cudurka, kuwaas oo badankooda ku dhintay gudaha dalka Sierra Leone.