Top News Dhageyso:- Puntland oo ka hadashay dagaallo ka soo cusboonaaday gobalka Karkaar

0

Maamul gobaleedka Puntland ayaa cambaareysay digniina kasoo saartay dagaalo u dhexeeya labo beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaano katirsan gobolka Karkaar

Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud aloore oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inaysan dowladdu udul qaadanayn dagaalka soo noq noqday ee dhawaan dib u hishiisiinta laga gaaray.

Wasiirka amniga waxaa kale oo uu sheegay inay dowladda la xisaab tamidoonto waxgaradka labada beelood ee uu ku eedeeyay inay iska indho tireen dadaalkii dowladdu u gashay in lasoo afjaro colaadaan kadib markii dhawaan waxgaradka labada dhinac la isug keenay magaalada Garoowe.

Dhageyso wasiirka codkiisa