Top News: Gudiga Maamul U Sameynta Galguduud Iyo Mudug Oo La Doortay, Xaliimo Yareey Gudoomiye, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) Gudoomiye Ku Xigeen.

0

Guddiga Maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku doortay Hogaan, si loo dar dargeliyo howlaha guddiga horyaalla.

Guddiga ayaa si loo dar dargeliyo howlaha loo igmaday waxa ay Guddoomiye u doorteen, Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yareey” Guddoomiye ku-xigeen waxa ay u doorteen Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)halka xoghayaha Guddiga ay u doorteen Axmed Dubad Cali iyo Cumar Cali Rooble oo ay u doorteen Afhayeen.

Kulanka ayaa waxaa hadalo dar daaran iyo dhiirigelin ka jeedisay Xaliimo Ismaaciil oo ah guddoomiyaha Guddiga maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsantahay howlaha loo igmaday, waxaana ay howlwadeenada kale ku boorisay inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cali Xuseen Abtidoon oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hogaanka cusub ee ay sameysteen guddiga maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu kula dar daarmay inay ka soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Maalmihii uu dambeeyay ayaa guddiga waxaa Muqdisho uga socday siminaaro ku saabsan dhismaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Isku soo wada duuboo deegaanada gobolka Galguduud ayaa waxaad aad looga horjeedaa qaabka lagu saleeyay awood qeybsiga islamarkaana waxaa jira qeybo badan oo ay ka mid yihiin Maamulada AHlsunna oo ka biyo diidsan gabi ahaan qaabka wax u socdaan.