Dhageyso: Shacabka Kismaayo Oo Diiday In Ay Guryahooda Ka Kireeyaan Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni.

0

Horjooge Aadan Goojaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maleeshiyo beeleedka ay bilaabayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo Gobolada Jubbooyinka.

Aadan Goojaar ayaa Xusay in Maleeshiyada Raaskambooni iyo kuwa Midowga Afrika Ee AMISOM ay bilaabeen Qorshihii Al-shabaab looga saari lahaa Jubbooyinka islamarkaana hada uu gabo gabo marayo.

Horjooge Goojaar ayaa sidoo kale sheegaya in Dadka shacabka ah ee ku Nool magaalada Kismaayo in ay Diideen in Guryaha ay ka Kireeyaan Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyada Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

“Arrintaas waan maqalnay Tilaabo ayaan ka qaadeynaa Cidii aan ku Helno Kiiskaas, Waxaana u  Aqoonsanayaa dadka diida in ay guryaha ka kireeyaan Maleeshiyadeena in ay  yihiin Dad La shaqeeya Al-shabaab”ayuu yiri Goojaar.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeeysay ee Shacabka Kismaayo ay qaadaan talaabo wax ku ool ah oo ka dhan ah Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyo beeleedkooda Raaskambooni, waana arrin ku cusub magaalada Kismaayo oo maanta waa hadalka u hadal haynta badan gudaha magaaladaasi in dadka Shacabka ahaa ay Guryahooda u diidaan in ay ka Kireeyaan cid walba oo loo arko inay xiriir la leeyihiin Raaskambooni.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media..