War Deg Deg Ah: Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Beri Tagaya Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo ay beritoole oo khamiis ah ay gaarayaan magaaalda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay magaalada Kismaayo uga qayb galayaan Xaflad lagu sagootinayo Ciidamada Sierra Leone oo lagu wado inay maalinta beri ah ku laabtaan Dalkooda.

Safarka Madaxweyne Xsan Sheekh ayaa waxaa ku weheliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadi hore.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay kulamo Shir iyo  Qado ah la qaadan donaan horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo hoosjoogeyaashiisa.

Isku soo wada duuboo Xeryaha iyo booska ay baneeyeen Ciidamada Sierra Leone ayaa wararku waxa ay sheegayaan inay gali doonaan Ciidamada Dowladdahaha Kenya iyo Itoobiya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.. .