War Deg Deg Ah: Qarax Ka Dhacay Xaafada Farjano Ee Magaalada Kismaayo Oo 4 Caruur Ah Ku Dhimatay.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu qarax xoogan ka dhacay ay waxyeelo ka soo gaartay caruur yar yar oo wadada marayay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa sida goobjooge ku sugan halka qaraxa ka dhacay uu Warbaainta Allgalgaduud Media u sheegay lala eeganayay Horjooge ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay caruur wadad mareysay.

Goobjoogahan ayaa waxa kale oo uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 4 caruur ah sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 caruur ah.

Dhinaca kale Horjooghan ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee lala eeganayay qarxan ayaa haba yaraato’e wax waxyeelo ah ka soo gaarin qaraxa.

Isku soo wada duuboo shacabka magaalada Kismaayo ayaa waxaa wehel u noqday dilalka qorsheesan, dhaawaca, kufiga, Qaraxyo, Xariga, handadaada iyo barakicinta baahsan ee sida tooska ah loogu geeysanayo dadka birmageydada ah ee aan waxba galabsan, allaana waxaa si toos ah iyo si dadbanba u geeysta falalkaas waxuushnimada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Waxii ka soo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media.