War Deg Deg Ah: Warbaahinta Oo Looga Yeeray Madaxtooyada Iyo Madaxweyne Xasan Oo Ku Dhawaaqaya Inuu Yahay R/wasaaraha Cusub Cumar (Suul Nuug).

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xafiiska Madaxweynaha Somaliya uu goor dhow u yeeray Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, si ay u soo tebiyaan wararka ku aadan magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somaliya.

Xarumaha Warbaahineed ee Magaalada Muqdisho, ayaa fariin qoraaleed lagu ogeysiiyay in 4-ta galabnimo ay yimaadaan Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia, oo munaasabad ay ka dhaceyso.

Villa Somalia waxaa ka soconaayo qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha bedeli doono, Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degaaya ee C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Goor sii horeysay waxaa bogga Twitter-ka ay ku lee dahay Dowladda Somaliya lagu shaaciyay in saacadaha soo socdo uu Madaxweynuhu soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaaraha, walow aan lagu kala cadayn shakhsiga uu ku soo dhawaaqi doono Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayaa in uu soo magacaabi doono Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke (Cumar Suul Nuug), oo hadda ah Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

Isku soo wada duuboo sida wararka lagu helayo dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Somaliya u soo dirtay dhambaal qoraal oo ayugu baaqaayso in la magacaabo Cumar C/rashiid (Cumar Suul Nuug), oo ay ku sheegeen mid Somaliya gaarsiin kara hiigsiga sanadka 2016-ka, sidoo kale qoraalkaas ayaa waxaa kale oo ku qornaa inaan dib loo soo magacaabi karin 5 wasiir oo aad ugu dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh..

 

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Wararka Dambe Ee Allgalgaduud Media