War Deg Deg Ah: Wariyaha Home Cable TV Ee Magaalada Kismaayo Oo Markii Labaad Ka Bad Baaday Isku Day Dil.

0

Wararka naga soo gaaraya maagaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wariye Cabdiqadar Imaan Dhaqane uu ka abd baaday isku day dil.

Wariye Cabdiqadar Imaan Dhaqane ayaa waxaa isagoo wata gaarigiisa joojiyay si qasab ah ku soo fuulay islamarkaana afduubay sadex ka mid ah Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, Cabdiqadar ayaa waxa uu u sheegay sadexda nin i uu yahay Wariye, waxa ayna ku amreen inuu u dhaqaaqo dhanka xeebta magaalada Kismaayo.

Wariye Cabdiqadar Imaan Dhaqane ayaa waxa uu iska tuuray gaarigi uu watay waxa uuna orod ku galay Hotel Tawakal halkaas oo ay ku sugnaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Waa Markii Labaad ee uu Wariye Cabdiqadar Imaan Dhaqane ka bad baado isku day dil oo ay u geysan lahayeen maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, hadda ka horna waxa ay rasaas ay uga dhacday Daanka.

Isku soo wada duuboo dilalka qorsheesan, afduubka, kufsiga, xariga iyo Barakicinta baahsan ee loo geysanayo Birmageydada magaalada Kismaayo, ayaa waxa caado iyo dhaqan joogto ah ay ka dhigteen Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe…

 

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media….