WAR DEG DEG:- Xafladii oo bilaaban rabta iyo wariyaashii oo xaadiray xaflada

0

Qabana qaabada xafkada ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka bilaabatay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo Wariyeyaasha warbaahinta gudaha iyo tan caalamigaba loo yeeray.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Wariyeyaasha ku casuumay galabta saacada geeska Afrika marka ay tahay 4-ta Galabnimo inay isugu yimaadaan Madaxtooyada, xilligaasoo ay bilaabaneysa xaflada magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

Warar ay heleyso Warbaahinta ayaa sheegaya inay u badan tahay in loo magacaabi doono jagada Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaasoo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar deg deg ah oo uu uga yimid dalka Mareykanka.