WAR LAQABO XIISO MALAHAN Madaxweyne Xasan oo soo wada Cumar (Buluq Buluq) iyo Xafladii oo goor dhow bilaaban rabta

0

Qabana qaabada xafkada ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka bilaabatay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo Wariyeyaasha warbaahinta gudaha iyo tan caalamigaba loo yeeray.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Wariyeyaasha ku casuumay galabta saacada geeska Afrika marka ay tahay 4-ta Galabnimo inay isugu yimaadaan Madaxtooyada, xilligaasoo ay bilaabaneysa xaflada magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

Warar ay heleyso AGGM  ayaa sheegaya inay u badan tahay in loo magacaabi doono jagada Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke (Cumar Suul Nuug), kaasoo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar deg deg ah oo uu uga yimid dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la kulmay Cumar Cabdirashiid Cumar Suul Nuug , iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha Xukuumada la soo dhisayo, qaabka loo soo xulayo Wasiirada, sida Baarlamaanka kalsoonida loogu heli karo.

Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac ayay isku afgarteen sida ay ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ay xaqiijiyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah waxaa uu galabta ugu dhawaaqi doonaa Ra’iisul Wasaarihii saddexdaad, tan iyo markii uu xafiiska qabtay dhamaadkii sanadkii 2012.

Isku soo wada duuboo waxaan sugnaaba waa ku dhawaaqista R/wsaare Buluq Buluq iyo isagoo dhex fadhiya shirarka golaha Wasiirada  Suulkiisa iska dhuuqa…

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararka dambe ee Allgalgaduud Media.