Xog: Col. Bare Hiiraale Oo Markale Dib Ugu Laabanaya Deegaanka Goobweyn.

0

Sida ay sheegayaan Warar aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow Col. Barre Aadan Shire “Bare Hiiraale” ayaa waxa ay sheegeen in uu Col Bare Hiiraale uu wado qorshe ku aadan sidii uu dib ugu noqon lahaa deegaanka Goobweyn ee gobalka Jubada Hoose.

Uljeedka laabashada Col. Bare Hiiraale ayaa lagu sheegay in uu soo kormeerayo Ciidamadiisa fariisimaha ku leh deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo iyo dardar galinta heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee uu la galay IGAD iyo Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Ilo wareedkeena ayaa sheegay in Col. Bare Hiiraale ciidamadiisa fariisimaha ku leh Goobweyn ay dhawaanadan wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana sidoo kale jira ciidamo xoogan oo si hoose uga baxay magaalada Kismaayo oo gaaray Goobweyn iyo kuwo kale oo ka yimid deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo.

Maalmo kahor waxaa deegaanka Sabca Asharaaf tagtay 5 Doon oo la sheegay in ay wadeen Ciidamo iyo sahay hub ah.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin halka uu sal dhigan doono khilaafka siyaasadeed ee deegaanada Jubbooyinka ee ay isku hayaan garabyadan isdiidan.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media…