Xog Dheeri Ah: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kismaayo U Tagay Xalinta 3 Milyan Oo Doolar Oo Deyn Lagu Leeyahay Ahayd.

0

Sidaanba horey idiinku balan qaadnay inaan idiin soo gudbin doono waxii ka soo kordha safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo wafdigiisa ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa iminka naga soo gaaraya warar ay xaqiijiyeen Ilo wareedkeena ku sugan magaalada Kismaayo ee sida aadka ah ugu dhow Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe.

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo Wafdi uu Hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh sida wararki hore lagu sheegay magaaladaasna u tagaya inay ka qayb galaan xaflad lagu ambabixinayo qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee ku sugan magaaladaas gaar ahaan kuwa Sierra Leone, Warkaas ayaa waxa uu ahaa mid aan waxba ka jirin.

Xasan Sheekh horey ugama uu qeybgalin xafalad lagu sagootinayo ama lagu soo dhaweenayo Ciidamada AMISOM, kuwa Sierra Leone ee jooga Kismaayona markay imaanayeen dalkana muu soo dhaweyn, waxaa hadda loogu magacdaray safarkiisana waa raad gadasho iyo jahwareerinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu u tagay Magaalada Kismaayo khilaaf hadduu soo shaacbaxo xambaarsan Fadeexad uu kasoo kabanayn, Khilaafkaas oo salka ku haya lacag gaareysa 3 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah oo laga amaahday Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Lacagtan ayaa waxa ay qayb ka ahayd lacagtii lagu riday Xukuumada R/wasaarihi Hore Cabdiwali Sheekh Axmed,islamarkaana loo qeybiyay Xildhibaanadi codka kalsoonida kala laabtay Xukuumadi Cabdiwali Sheekh Axmed.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa lacagtan ku bixiyay amaah ay la soctay hal shuruud ah, taas oo ahayd in Xilka R/wasaaraha loo magaacabo Sii hayaha Xilka Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu wacad ku maray in haddii lacagtaas lagu ridayo Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed uu bixiyo Horjooge Axmed Madoobe in R/wasaare uu u soo magacaabayo Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa waxa uu aaminay qaatayna Dhaarta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waloow ay Soomaalida ku maah maahdo (Nimaad Taqaan Yaa Tahay Lama Yiraahdo), waxaana Kismaayo loo diray shaqsiyaad aad ugu dhow dhow Madaxweyne Xasan oo wata Diyaarad qaas sidaas ayaana lacagti lagu soo qaatay.

Horjooge Axmed Madoobe ragga garabkiisa ahaa ee uu doonayay in ay qabtaan Xilka R/wasaaraha ayaa intaan la magacaabin waxa ay gaarsiyeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabayo Cumar Cabdirashiid, arintaas oo dhalisay khilaaf cirka isku shareeray oo sababay in Axmed Madoobe uu ku wargaliyo Xildhibaanada Beeshiisa inay isaga soo baxaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu shalay Galinkii Dambe ku dhawaaqay R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, isagoo xilkaasna u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali, halkii looga fadhiyay dhaartana uu ku maray inuu magaacabayo Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Waxaa khilaafka curtay ee qiyaamada ah isku dayay inay soo dhexgalaan si loo xaliyo intaan fadeexadan soo shaac bixin Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaanadi taageersanaa Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo islaamarkiiba Xaflad Samirsiin iyo Xaalmarin ah loo sameeyay Sii hayaha Wasaarada Maaliyada Mudane Xuseen Cabdi Xalane, waxaana go’aan lagu gaaray in Madaxweyne Xasan Sheekh maanta tago Ksimaayo si uu u dhameystiro wadahadaladan lagu doonayo in lagu damiyo khilaafkan xambaarsan fadeexada weyn.

Kulankii Maanta dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Horjooge Axmed Madoobe ayaa Madaxweynaha waxa uu isku dayay inuu Horjooge Axmed Madoobe ku qanciyo Jubbaland waa maamul dhameeystiran ayaan u aqoonsanayaa, balse Horjooge Axmed Madoobe waa ku gacan seeray, Kulankiina waxa uu ku soo dhamaaday is fahan waa iyo in lagu kala dareero madasha, taas oo keentay in Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisa ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu bixinayn lacagtaas 3 Milyan ee doolarka ah, laguna lahayn, isagoo sabab uga dhigaya in Dowladda lacag intaas ka badan ay ku leedahay horjooge Axmed Madoobe, maadaama Madaxweynaha uu sheegay inay horjooge Amxed Madoobeuu  u daayay in uu iska maamusho Dekeda iyo Garoonka Diyaarada magaalada Kismaayo oo ay ahayd in mar hore dowladda Soomaaliya la wareegto.

Isku soo wada duuboo waxaa la ogeyn halka uu sla dhigan doono Khilaafkan sadex geesoodka ah ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan, Damujadiid iyo Horjooge Axmed Madoobe, waxaa socda weli dhexdhexaadin laga dhex wado garabyadan, waxaase la saadaalinayaa in dhowaan laga taqalusayo Horjooge Axmed Madoobe oo waqtigiisa KMG ah ay uga hartay dhoowr bilood gobolada Jubbooyinkana ay kaga soo horjeedaan hab dhaqankiisa iyo hogaan Xumadiisa  Aqoonyahano, Saraakiil iyo Siyaasiyiin rug cadaa ah.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media….