Xog: Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni Oo Shacabka Kismaayo U Diiday Banaanbax Lagu Taageeri Lahaa R/wasaare Cumar Cabdirashiid…

0

Shalay galinki dambe ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheek Maxamuud uu kuu dhawaaqay in R/wasaaraha cusub uu noqonayo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Xilka R/wasaaraha ayaa waxaa u tartamayay musharixiin badan balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu goostay in uu Cumar Cabdirashiid Noqdo R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Durbaba waxaa soo shaac baxaya in Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ka soo horjeedaan magacaabista R/wasaaraha Cusub Cumar Cabdirashiid Cali.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka dib ku dhawaaqista R/wasaare Cumar Cabdirashiid waxa ay yeesheen kulan ay uga hadlayeen in maanta ay qabtaan Dibedbax balaaran oo lagu taageerayo R7wasaaraha Cusub, balse arintaas waxaa ka biyo diiday Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beleedka Raaskambooni ayaa waxa ay Bulshada Rayidka ah ee shiray saaka aroorti ku wargaliyeen inaan wax Dibedbax ah oo lagu taageerayo Cumar Cabdirashiid aysan ku qaban karin gobolka Jubbada Hoose islamarkaana cidii isku dayda in ay Dibedbax sameysana ay muteysan doonaan ciqaab adag.

Qaban Qaabiyeyaasha Dibedbaxan ayaa waxa ay maanta u hogaansameen awaamirta ay dul dhigeen Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxa ay tacadiyo ba’an oo kala duwan si joogto ah ugu hayaan shacabka Magaalada Kismaayo, mana ay jiraan inta badan cid wax ka qabta ama si dhab ah uga hadasha tacadiyadan sida joogtada ah u haysta shacabka magaalada Kismaayo…..

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media….