XOG: Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Cumar Cabdirashiid Cali Uga Digay In Uu Soo Celiyo Wasiirkii Caafimadka iyo Wasiirkii Ammniga

0

Ayado wali Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo RW Cumar Cabdirashid ay ku mashquulsan yihiin so xulida golaha wasiirada Xukuumada Somalia ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in RW Cumar Cabdirashiid u damacsan yahay in u soo celiyo qaar ka mid ah wasiiradi RW Abdiweli Sh Axmed.

Madaxweynanaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa u RW Somalia Cumar Cabdirashiid uga digay in u labo ka mid ah Wasiiradii hore so celiyo kuwaas oo kala ah Wasiirkii Caafimadka Cali Maxamed Maxamuud “Cali Xareed iyo Wasiirki Amniga Khaliif Ereg.

Madaxweynanaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in labadan wasiir ay yihiin Wasiiradii bilaabay khilaafkii dowlada Somalia la dagay ee u dhexeyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuu iyo RW Abdiweli Sh Axmed Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu sheegay in labadaasi wasiir ay golaha wasiirada ku jireen ayaago aanan haysan Saxiixa Madaxweynaha Somalia ayna khaladaad badan galeen intii ay xilka hayeen.

Wasiirada Caafimadka iyo Amniga Qaranka Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed iyo Khaliif Ereg ayaa waxaay ahayeen Wasiirada sida weyn ula dagaalamay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud xiligii uu socday Khilaafki Madaxweyne Xasan iyo RW Abdiweli hadi uu RW Cumar ku soo daaro Golaha Wasiirada labadaan Masul waxay noqonaysa bilowga dagaal siyaasaded u dhexeyn doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo RW CCC Sharmarke.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media