Xog: R/W CC Sharmaarke oo diyaariyey qorshe uu isaga dhicinayo xildhibaano wacad kumaray ineysan ansixin doonin.

0

Warar aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in R/W CCC Sharmaarke uu damacsan yahay in xiligaani uusan magacaabin Golaha Wasiirada Xukuumadiisa inta uu ka hortagaayo Golaha Baarlamaanka DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayan in Ujeedka uu yahay mid uu Sharmaarke isaga dhicinayo madaxweyne Xasan iyo Garabkiisa Dam-Jadiid oo doonaya in golaha wasiirada iyo ra’iisul wasaaraha si isku mid ah loo horgeeyo baarlamanka.

Ujeedada Kooxda Damu-Jadiid ayaa ah in inta badan ay helaan xubnaha wasiirada usub.

Ilo-wareedyo ku dhow dhow R/W CCC ayaa laga soo xigtay in Ra’isul wasaaraha uu rabo inuu marka hore hortago BF marka la ansaxiyana uu iska dhiciyo damaca Damu-Jadiid ee ah inay wada qaataan inta badan xubnaha wasiirada.

Si kastaba, go’aanka ah xilliga Cumar Cabdirashiid la horgeenayo baarlamanka, waxaa iska leh madaxweynaha

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono waxaana jira Xubno ka tirsan BF oo isu uruursanaaya inay is hortaagan Ansaxinta R/W CCC Sharmaarka waxa ayna kuwaasi u badan yihiin Xildhibaanadii kasoo horjeeday Mooshinka iyo kuwa ka careysan Balamo uu uga baxay Xasan Sheekh.