Xog: Xildhibaanada Baarlamaanka Oo R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cod Aqlabiyad Ah Kalsoonida…

0

Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin ilaa 100 xildhibaan ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay isku raaceen in ay codka kalsoonida siiyaan ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke maalinta Talaadada markii la keeno baarlamaanka.

Xildhibaanadani ayaa isku raacay go’aankan si dalka uusan markale dib u dhac la kulmin, horeyna looga socdo halka uu hadda taaganyahay,
lagana soo kabsado wixii dib u dhac ah ee dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 17-kii bishan Ra’isulwasaare u magacaabay Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke, waxaana lagu wadaa in uu
baarlamaanka hor geeyo si loo ansixiyo sida ay noo sheegeen ilo xogogaal ah..

Xildhibaanadani ayaa ahaa kuwii diidanaa mooshinkii loo gala noqday codka kalsoonida R/Wasaaraha hada siiya xilka 6dii bisha
Diseembar e sannadkan.

Waxaa lagu wadaa in R/wsaare Cumar Cabdirashiid uu hortago Baarlamaanka maalinta Arbacada ah sida ilo wareedyadeen Villa Somalia inoo xaqiijiyeeb ka dib markii maalinimada talaadada oo la doonayay in la horgeeyo ay dib uga dhacday.

Dhinaca kale Xildhibaanadi waday Mooshinka ee taageersanaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iyaguna dhankooda sidoo kale siin doona codka Kalsoonida R/wasaare Cumar Cabdirashiid.

Isku soo wada duuboo waxaan dhoowrnaba waa Xildhibaanada Barlamaanka in ay R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan amaba kalsoonida ku siiyaan..

Waxii Ka Soo kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media