Xog: Xildhibaanada Beesha Absame Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.Maxay Tahay Sababta?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Beesha Absame uga jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay isaga baxayaan magaalada Muqdisho ayna ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa ka dib kulanki Xalay ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaanada,Odaaysha Beesha Absame iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ee ku soo dhamaaday is fahanwaaga ay u tahay sabab in ay isaga baxaan magaalada Muqdisho.

Kullankan xalay ee is afagaran waaga kusoo dhamaaday ayaa waxaa looga hadlayay amaba lagu lafa gurayay in R/wasaare loo magacaabo sii hayaha Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu Mudanayaashi iyo Odayaashi ku yiri aan idinla kaftamee “Sunaha toowrada Ogaadeen xil Wasiir ka badan taariikhda looma idman”, wax Wasiir iyo Ra’isulwasaare ku xigeen ka badan oo aan idiin hayo majirto. waa sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo aad uga carooday hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana waxa uu ugu jawaabay dhankiisa “QABOOWGA OGAADEEN BAAD ARAGTAYE KULEELKEENA WAAD ARKI DOONTAA, MUDANE MADAXWEYNE” Mudane Xuseen Xalane ayaa islamarkaana wuxuu u sii raaciyay Madaxweynaha inaysan diyaar u ahayn inay qabtaan xilalka Wasiir iyo Ra’isulwasaare ku xigeen.

Waxaa lagu soo kala dareeray kullanki u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiinta beesha Absame ee Dowladda Federaalka Soomaaliya…

Mudane Xuseen Cabdi Xalane waa markii labaad ee saacadaha ugu dambeeya uu ku balantuu la galay Madaxweyne Xaan Sheekh uu uga baxo, midan waxaa ka horeysay markii la magaacabayay R/wasaaraha hadda xilka baneenaya oo sidan oo kale uu Madaxweyne Xasan ku wacad furay Mudane Xalane…

Dhinaca kale waxaa maanta soo shaacbaxay in kullan albaabada u xiran oo ay yeesheen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Absame ee ku sugan magaalaada Muqdisho inay Go’aansadeen inay dhamaantood isugu tagaan magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose kana baxaan magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo waxaa durbaba soo shaac baxaya iyadoo aan la magaacin R/wasaaraha cusub in xaalada Soomaaliya aysan haba yaraato’e waxba iska badalin, talaabadi la qaadana ay hareenayaan khilaafyo hor leh oo saameeyn weyn ku yeelanaya geedi socodka horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya, dhacdadan ayaa waxaa sidoo kale sabab u noqon doonta in R/wasaaraha cusub uu xilka baneen doono isagoo aanba wax talaabo horumar ah qaadin.
Waxii Ka Soo Kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media…