Xog+Sawir:R/wasaare Suul Nuug Oo Looga Fadhiyo Inuu Ku Dhawaaqo Xukuumada Suul Nuug.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Cusub ee Dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali (Cumar Suul Nuug) looga fadhiyo inuu soo dhiso Xukuumada Suul Nuug ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaaraha cusub uu soo dhisi doono Xukuumad dhamaanteed Suul Nuug ah oo ay u soo yeeriyeen ururka Madaxweyne Xasan Sheekh ka dibna R/wasaare Suul Nuug uu ku dhawaaqi doono Xubnaha Xukuumadiisa wada Suul Nuuga Ah.

Ilo wareedyo ku sugan gudaha Villa Soomaaliya oo ka gaabsaday magacooda xaalado aman awgood ayaa waxa ay si hoos eugu sheegeen Warbaahinta Allgalgaduud Media in liiska golaha Wasiirada uu diyaar yahay ayna soo diyaariyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ururkiisa Damujadiid.

Sidoo kale ilo wareedkeena ayaa waxa ay u xaqiijiyeen R/wasaare Suul Nuug in uu ahaan doono nin magac u yaal ah aana qaban wax shaqo ah qolka jiifkiisana aan soo dhaafi doonin marka laga reebo inuu sawir ahaan u soo fadhiisto shirarka golaha Wasiirada.

R/wasaare Suul Nuug ayaa horey waxaa loogu xasuustaa in xafiiskiisa markuu ahaa R/wasaarihi Xukuumadi KMG ahayd xiligii Madaxweyne Sheekh Shariif inuu qolkiisa jiifka ah soo dhaafi jirin aadna uu u xiiseen jiray ama u taageeeri jiray Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska, waxaana dhici jiray in xataa kulamada Ammaanka iyo golaha wasiirada uu ka baaqan jiray ama imaan jirin haddii ay jirto ciyaar ay cayaareyaan kooxda Manchester united.

Suul Nuug ayaa sidoo kale waxaa lagu xasuustaa markii uu ahaa R/wasaaraha KMG inuu ahaa nin aad u jecel Video Games-ka caruurta dheelaan gaar ahaan kuwa ah Kubada iyo Dagaalka islamarkana inta uu dheelayo uu afka ka qaadin waxyaabaha mac macaanka gaar ahaan XALWADA oo uu xanaaqi jiray haddii agtiisa ama xafiiska laga waayo.

Isku soo wada duuboo waxaa maanta daaqada ka baxay rajadi laga qabay Dowlad Soomaaliyeed oo quwad leh, waxaa sidoo kale ka baxay daaqada in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad,Horumar dowlad Wanaag, Cadaalad iyo Sinaan Soomaali oo dhan gaarta, waxaa sidoo kale dalka uu si cad oo muuqata gacanta maanta ugu galay dowlado shisheeye. ALLAHA U NAXARIISTO SOOMAALIYA….

amin