XULASHADA Xasan Sheikh: Jawaab ku socota maqaalkii XASAN SH. oo kufay

0

 

Xasan Sheikh waxaa lagu eedeeyay inuu ku gefay magacaabida Cumar C/rashiid oo loo heysto khiyaana qaran, waxaana laga sugaayay inuu soo magacaabo qof ummadda oo dhan ay raalli ka tahay!!! Su’aasha meesha taalla waxay tahay ma jiraa qof ay Somali oo dhan raalli ka tahay?

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa loo keenay dambiil ay ka buuxaan khudaar kala geddisan markaasaa la yiri mid ka dooro. Markuu fiiriyay waxa meesha ku jira wuxuu u kala qaaday qaar isku ooday mooro u gooni ah oo cid kasta oo iyaga ka tirsan wuxuu sheego ama ku dhaqaaqo ay wada taageeraan wax kasta oo ay tahay sax ama khalad waxaana taas lagu magacaabaa CLAN SOLIDARITY. Wixi ka soo horjeeda danahooda waxay u arkaan cadaw oo ay meel uga soo wada jeestaan….waxay jecel yihiin in dadka ay isku heybta wadaagaan loo magacaabo xilalka ugu sareeya dalka. Madaxweynuhu markuu fiiriyay wuxuu ka soo doortay laba qof oo moorada bannaankeeda joogay oo loo maleeyay inay ka dhibaato yar yihiin kuwa xeendabta isku ooday.

Wuxuu doortay R/Wasaare Saacid oo ay ka soo horjeesteen qaswadayaal ay ugu weynaayeen Cali Gallaeyr, Shariif Xasan iyo Cali Gheedi oo Nairobi ka billaabay dacaayad rakhiis ah kuna eedeeyay dowladda uu hogaamiyo Saacid inaysan waxba ka qabanin xagga ammaanka. Kuwi sidaas uga soo horjeeday ayuu marki dambe saaxiib ka dhigtay waxayna u horseedeen isku dhac asaga iyo madaxweynaha, kaddib markuu qaaday tallaabo aad u khaldan oo ahayd inuu cadaw ka dhighto Faarax Cabdulqaadir oo ka mid ahaanshadiisa dowladda aan wax dhibaato ku heyn Saacid. Qasawadayaashi siiba Cali Galleyr ayaa u keenay garyaqaanno Kenyan ah si ay ugu doodaan Saacid markey isqabteen Madaxweynaha!!! War aaway aqoonti laga filaayay?? Aqooney ba’

Meeshi dambiisha tiillay ayuu dib ugu laabtay Xasan Sheikh si uu uga raadiyo qof dhaanta Saacid oo macquul ah…waxa lagula taliyay inuu magacaabo C/weli Sheikh (xiirane) oon siyaasad weligi shaqo ku lahayn. Dad badan ayaa aad u saluugay wax qabadkiisa waayoo waxaa lagu wareeray meesha uu howsha ka haayo…howlahi la wedayna wax dowr ah oo muuqda uusan ku lahayn..aragti gaabidiisa markaasuu is-mahadiyay. Cabdiweli Xiirane waxaa laga yaabaa inuusan weligii maqal xikmadii laga soo weriyay Mao-Tse-Tung oo ahayd “every defeat is a victory” oo micnaheedu yahay (guul darra kasta waa noo guul).

Wuxuu ku dhacay isla bohoshi iyo guul-darradi liqday Saacid kaddib markuu kuwi moorada ku jiray oo ka soo horjeeday dowlaadda uu madaxda ka yahay la soo galay heshiis isaga u gaara oo uusan Madaxweynuhu waxba kala socon. Madaxweyne Xasan Sheikh kama soo horjeesan heshiishka wuxuuna Xiiraane ugu baaqay inuu xadgudubka uu caadeystay hakiyo, tallaabooyinka uu qaadayana ka fiirsado inteysan cawaqib xumo kale horseedin. Wuxuu afduubay shaqadii Madaxweynaha kaddib markuu magacaabay madaxda ciidamada oo dhan, qaarna jagaooyinki ka xayuubiyay isagoon la tashan Madaxweynaha.

Taana waa ka aamusay Xasan Sheikh. Waxaa ku xigtay tallaabadi uu ku baxay oo ahayd inuu cadaaweystay Faarax Cabdulqaadir isagoo u daneynaya kooxdi uu heshiiska beenta ah la soo galay, kuwaasoo kula taliyay inuu ninkaas ka beddelo Wasaaradda si dustuurku u noqdo mid ay iyagu maareeyaan. Waxay naqatay tallaabadi ugu dambeysay ee uu qaado isagoo R/wasaare ah..halkaan wuxuu ku waayay wax uusan weligii ku riyoon, mar dambena aysan soo mari doonin fursad kale, waayoo shuruudihi looga baahnaa jagadaas waa ka arradan yahay C/weli Xiirane. Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa la wediistay inuu R/Wasaare soo magacaabo..xaguu ka raadiyaa? Mooradi miyuu tagaa mase meel aan Somaliya ahayan ayuu ka raadshaa? Wuxuu naqday nin buka boqoli u talisay!!! Eeda uu leeyahay waa maxaay?

Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin daacad u ah dalkaan laakin madax u naqday kooxo gobollada ay joogaan u hibeeyay dalalka deriska ah, waxayna madaxdoodu diyaar u yihiin inay ku biiraan qowmiyadaha Ethiopia si loogu aqoonsado SECOND CLASS CITIZENS weliba waa ku faanayaan inay gobannimo ka doorteen gunnimo