(Dhageyso) Guddoomiyaha Baraawe oo sheegay in dhaqaale yari aad u daran ay heyso

0

Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay waxbadan ka qabteen amniga Magaalada Baraawe .

Maamulku waxa uu sheegay in dadaal dheer , iyo howlgalo is daba joog ah oo laga sameeyay Gobolka lagu guulaystay in wax badan laga qabto amniga Magaalada , laakin waxa uu dowladdu ugu baaqay inay Furto wadada isku xirta Baraawe iyo Muqdisho.

Bashiir Maxamed Yusuf oo ah Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo ayaa dhanka kale sheegay in Maamulkiisu uu la kulmayo dhibaato dhanka dhaqaalaha ah , taas oo uu sheegay in horumarinta deganka uu saameen ku yeelan karo