BUURDHUUBO: Ciidamadii dilay guddoomiye xigeenkii oo gacanta lagu dhigay

0

Saraakiisha Dowlada ee ku sugan Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in   gacanta ay  ku hayaan,  tiro   ka mid ah Ciidamo lagu eedeyay  in ay ka danbeyeen,  weerar uu ku dhintay Gudoomiye ku xugeenkii Degmada.

Cusmaan Nuux Xaaji oo  ka mid ah Saraakiishaas ayaa sheegay   in baaritaan arintan ay ku hayaan  baaritaan isla markaana cadaalada ay wajahi doonaan.

Si  kama ah  ayuu  tilmaamay sarkaalkan u dilkan uu u dhacay xili Ciidamada  ku sugan duleedka Degmada Buurdhuubo weerar ay ku qaadeen gaarigii uu saarnaa Gudoomiye ku xigeenkii Degmadaasi