Cristiano Ronaldo oo la ganaaxay , kadib qaladkii uu sameeyay Sabtidii.

0

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa labo kulan la ganaaxay, kadib markii ciyaartii Sabtidii ay kooxdiisa Real Madrid 2-1 uga badisay kooxda Cordoba.

Ronaldo ayaa dharbaaxay ciyaaryaha nJose Angel Crespo, halka uu haraatiyay ciyaaryahan Edimar, intii lagu guda jiray ciyaarta, waxaana garsooraha uu durba qaladkiisa ku siiyay Kaarka cas.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa raalli gelin ka bixiyay qaladkii uu sameeyay, waxaana si gaar ah uu taageerayaasha Real Madrid uga raalli geliyay kaarka cas ee la siiyay.

Labada kulan ee uu ka maqnaan doono Ronaldo kooxdiisa Real Madrid ayaa waxaa ka mid ah Real Sociedad iyo Sevilla oo ay kooxdiisa la ciyaari doonto.

Ronaldo ayaa ku soo laaban doona kulanka adag ee kooxdiisa la ciyaari doonto Kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid.

Xiriirka K/cagta ee dalka Spain ayaa go’aan ku gaaray inuu ganaaxa Ronaldo oo labo todobaad ka hor ku guuleystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Real Madrid.

Ronaldo ayaa intii uu u ciyaarayay Real Madrid waxaa uu qaatay ilaa shan jeer oo kaarka cas, waxaana uu afar dheer yahay xidiga ay xafiiltamaan ee u ciyaara Barcelona Lionel Messi oo hal jeer kaliya kaarka cas la siiyay.

RonaldoRonaldo1