(Daawo) Dowladda Puntland oo hubkii lagu qabtay Berbera ku eedaysay inay soo dajisatay Somaliland.

0

Wasiirka Ammniga Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Xasan Cismaan Aloore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa ka hadlay hub dhowaan Somaliland ku qabatay Markab agab laga dajinayay oo kusoo xirtay dekadda Berbera kaasoo la yiraahdo MV Shakir.

IMG_0275

Aloore waxa uu sheegay hubkan oo hada ku jiraa gacanta Somaliland uu yahay mid u socday iyaga balse siyaasad laga lee yahay howsha hada socota ee ay Dowladda Siilaanyo ku sheegtay inay baaritaan ku wado hubkan iyo meesha loo waday.

Puntland ayaa ka digtay hubkan inuu gacanta u galo kooxda Al-Shabab oo wali ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Galgala ee Gobalka Bari.

Somaliland ayaa u diidey saraakiil ka tirsan guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group), inay gudaha u galaan dekedda Berbera, si ay u baaraan hubka balse lama oga ilaa iyo hada siday u wajahayso kooxdani arrintan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan Hubkan isla markasna su’aalo laga waydiinay hubkan iyo meshuu u socday Kabtanka Markabka la yiraahdo MV Shakir.

Dhowr jeer oo hore Puntland waxay Somaliland ku eedaysay inay dhulkooda usoo maraan dagaal yahanada Al-Shabab, ayna caqabad dhanka amniga ah ku tahay.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka: