Daawo sawiradda:- Wafdi ka Socda Safaaradda Maraykanka ee Somalia Iyo Hay’adda US-AID Oo Gaaray Magaalada Garowe.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay wafti  ka socday safaarada Maraykanka ee Soomaaliya iyo hay’adda gargaarka caalamiga ah  ee US-AID.

Mudaddi Uu Soconayay Kulanka Ayaa waxaa La isla Soo hadal Qaaday ka qayb qaadashada hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii loo  Kordhin lahaa kaalmada ay ku bixiso Hay’adda US-AID iyo Barnaamijka  Hindisaha hormarinta hoggaanka dhallinyarada Somaliyeed.

Cali Xaaji Warsame ayaa Ka Mahad celiyay Wafdiga Heerka Caalami Ah Waxaanna Uu Sheegay in AY iska Afgarteen Waxyaabo Farabadan Oo Quseeya Waxbarashada Puntland.

Masuuliyiintii ka socday Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Hay’adda US-AID ayaa dhankooda ballanqaaday inay qodobada shirkaas looga wada hadlay ay wax weyn ka qaban doonaan ayna si dhow uga  shaqayn doonaan horumarinta Waxbarashada Deeganadda Puntland.

Maahan markii Uhoreysay Oo Wafdi Noocaan Oo Kala Ah Ay Soo Garaaan Magaaladda Garowe, Maalmihii la Soo Dhaafayna Waxaa Soo Gaarayay Madax Ka Socotay Aduunka.

Hoos Ka Daawo Sawiradda Kulanka:

DSC08569 DSC08574 DSC08575 DSC08577 DSC08579 DSC08583