(Daawo Sawirro) Brack Obama oo Booqday Sacuudiga & Muran ka dhashay marwadiisa oo Madax Qaawaneyd.

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa maanta oo arbaca ah ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh caasimadda dalka Sacuudiga, Obama ayaa waayadaan booqasho ku jooga Dalka India gaar ahaa magaalada caasimadda dalkaasi u ah ee New Delhi.

Obama waxaa safarkiisa ku wehlisay xaaskiisa Michel Obama, waxana markii ay gaaareen garoonka diyaaradaha loo dhigay roog cas, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen madax sare oo ka tirsan dalka Sacuudiga oo uu hogaaminayo boqorka cusub ee Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud.

Safarka waxaa ku wehliyay Obama xog-hayaha gaarka ah ee aqalka Cad John Kerry, waxaa loo dhaadhacshay qasriga boqortooyada halkaa oo ay ku kulmeen Boqorka cusub, hase ahatee waxaa la diiday in Xaaska Obama oo madax qaawan ay garab fadhiisato Boqor Salmaan waxaana arrinta ku qancay Obama iyo wafdigiisii.

Goorta la diidayo waa mar si toos ah Telefishinka dalka Sacuudiga looga tebinayo warka soo dhaweynta Obama waxana telefishinka laga arkayay waaxda baratakoolka Boqor Salmaan oo ka codsanaya in Michel Obama ay kuraasta kula fadhiisan boqorka iyo Obama.

Safarka Obama ayaa ku soo aadaya xili dhawaan uu geeriyoday boqorkii hore ee dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA OBAMA EE SUCUUDIGA:

f26edac2SAUDI-US-ROYALS-DIPLOMACY-OBAMASAUDI-US-ROYALS-DIPLOMACY-OBAMAe5c8edf0