Deg Deg:- Dagaal Ka Socda Duleedka Degaanka Leego Ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

0

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka mid dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, kaa oo haatan ka soconaya duleedka deegaanka Leego.

Ciidamo uu watay gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdulaahi Isaaq ayaa la sheegay in jidka ay u galeen ciidamo ka mid ah Al-shabaab, waxaana socda dagaal illaa iyo hadda qasaarihiisa aan lasoo sheegin.

Qof ku sugan deegaanka Leego ayaa sheegay in rasaas xoogan la maqlayo, iyadoo gudoomiyaha jidka loo galay uu ku wajahnaa dhanka deegaanka Ballidoogle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.