Deg Deg:- Diyaarad Drone ah oo duqeyn u geysatay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

0

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya diyaarada nooceedu uu yahay Drone ay duqeysay guri ku yaal tuulo u dhow deegaanka Toorotoorow.

Duqeyntan oo dhacday gelinkii dambe ee maanta ayaan la ogeyn qasaaraha uu geystay iyadoo gantaalka la sheegay in uu ku dhacay guri ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo ku yaal meel u jirta 25km deegaanka Toorotoorow.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan gantaalka ah ee ka dhacay deegaan ka tirsan Toorotoorow inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in duqeyntaasi ay ka dhalatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hase yeeshee wararka qaar ay sheegaya in duqeyntan loo geystay gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab. Mana jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab ee la xiriira weerarkan.

Ururka Alshabaab oo ka baxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee ay hore u haysteen ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin tuulooyin ku yaala deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarada gantaalada ee lagu duqeeyo baro ay leeyihiin ururka Alshabab ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwa ay sheegato dowlada Maraykanka.

Hogaamiyihii hore ee Alshabaab Axmed Godane ayaa lagu diley weerar gantaal ah oo ay sheegteen dowlada Maraykanka horaantii bishii September 2014.