Deg Deg:- Guddoomiyaha Leego oo faah-faahin ka bixiyay weerar qorsheysan oo Shabaab ay ku dili rabeen.

0

Guddoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose Abuukar Isaaq Al-cadaala, ayaa faah-faahin wuxuu ka bixiyay weerar qorsheysan oo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Shabaab ay wadada ugu galeen, isaga iyo ciidamo la socday.

Abuukar Al-Cadaala Guddoomiyaha deegaanka Leego, ayaa tilmaamay in xoogag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay dagaal kula galeen inta udhaxeysa deeganada Balidoogle iyo Leego oo Shabeellaha hoose ka tirsan.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in weerarka ay Al-shabaab kala kulmeen uu ka dhacay shalay meel ku dhaw tabeelaha madaxa Madoow ee Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo u dhaxeysa Balli-doogle iyo Leego, waxaana la socday ciidamo aad u badan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadiisa ay iska caabiyeen xoogagii hubaysnaa ee Shabaabka ka tirsan, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray, isaga oo sheegay in ciidamada Dowladda ay dagaalkaasi ku gacan sareeyeen.

Abuukar Al-Cadaala Guddoomiyaha deegaanka Leego ayaa beeniyay wararka qaar ay baahiyeen Warbaahinta, kaasi oo ku saabsanaa in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay isaga, wuxuuna sheegay inuu bad-qabo.

“Aniga ma dhaawacmin, waxaasi warbaahinta ayaa sheegtay, mana arkin sidoo kale Khasaare halkaasi ka dhashay, dagaalka waxa uu socday illaa 30 daqiiqo, ugu dambeyn xabadda wey joogsatay oo Shabaabkii ayaa dib u cararay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Leego.

Al Shabaab ayaa wadada u gala ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee ku socdaala wadooyinka Gobolka Shabeellaha hoose.