XOG: Howlgallo lagu beegsanayo dadka shacabka ah oo ka billowday Kismaayo iyo qorshaha Raaskambooni?

0

Howlgallo lagu beegsanayo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo deggan ayay maleeshiyada Horjooge Axmed Madoobe ka billaabeen magaaladaasi.

Howlgallada ayaa laga sameynayaa xaafadaha ay deggan yihiin dadka Rayidka ah waxaana ciidamada ay galaan xaafadahaasi guri guri.

Maleeshiyaadka Horjooge Axmed Madoobe ayaa dadka qaar kala baxaya xaafadaha iyagoo ku eedeynaya inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Waxaa sidoo kale la beegsanayaa dadka ka soo horjeeda maamul beeleedka Axmed Madoobe.

Qof ku Sugan Kismaayo ayaa u sheegay Allgalgaduud in dhallinyarada iyo gabdhaha si isku mid ah loo dhibaateynayo oo qaarkood xataa qabiiladooda la weydiinayo.

Horjoogaha Raaskambooni ayaa horay u amray maleeshiyaadka uu adeerka u yahay in la dilo, la dhaco, lana kufsado wax alle iyo wixii ka hor yimaadaa maamulka u dhisan iyaga.

Kismaayo, waxaa ka jirta casbi xun oo aad u darran waxaana weli muuqan dowlad, beel caalam iyo siyaasiyiin iyo xildhibaanno Federaalka ka tirsan oo weli u daqnanaya dadka Kismaayo la isaga gumaadayo ujeedo la’aan.

FILO GOOR DHOW WAREYSIYO AY WARBAAHINTA ALLGALGADUUD  KA SOO QAADI DOONTO DADKA DEEGAANKA.