Deg Deg:- Xildhibaanno Mar Kale Ka Hadlay Wasiiradda Cusub Baaqna Diray iyo Xaaladda oo….

0

Xildhibaanada ku kala bahoobay Kutlada Badbaadinta Qaranka iyo Kutlada Toosinta Talada Qaranka ayaa Goor dhaw Kulamo kala gooni ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in aysan codka kalsoonida ah siin doonin xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Hadii lagu soo daro wasiiro ay horay u diideen.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in ay ka war heleen in xubno ka mid ah wasiiradaasi dib loo soo celinayo, sidaa darteedna ay iyaguna u sheegayaan Ra’iisul wasaaraha in Kalsooni aanu u heli doonin xukuumadiisa hadii ay taasi dhacdo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaare ayaa la filayaa in xilliyada soo aadan uu ku dhawaqo golahiisa wasiirada cusub, ka dib markii uu la laabtay wasiiradii uu soo magacaabay.

 Warkaan oo faah faahsan Goor dhaw la soco.