Deg-Deg:Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ku baaba'ay qarax lagu la eegtay degmada Afmadow

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in gaari ay wateen ciidanka Kenya iyo kuwa Daba dhilifka u ah ee Raaskambooni qarax lagu la eegtay halkaasi.

Qof ku sugan Afmadow ayaa u sheegay warbaahinta Allgalgaduud in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh isla markaana Raaskambooni ay xasuuqday dadka shacab ahka ah.

Duleedka Afmadow waxaa ka soconaya cawa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadan maleeshiyaadka horjooge Axmed Madoobe. waxaana la soo sheegayaa in Alshabaab ay sheegteen qaraxaasi.

Jabka gaaray maleeshiyada Kambooni ayaa waxaa qiran saraakiishooda, waxaana ay diideen inay warbaahinta wax war ah ka siiyaan dhacdada sidii ay u dhacday.

Khasaaraha Raaskambooni iyo Kenya goor dhow dib kala soco