Deg-Deg:R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo codsaday in 10 maalin dib loo dhigo ansixinta wasiirada

0

 

Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali SHarmaarke ayaa warqad u qoray guddoomiyaha baarlamaanka taasoo uu ku codsanayo in muddo toban beri dib loogu dhigo cod u qaadista wasiirada uu soo magaacaabay.

Sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo ku sugan xafiiska Raysal wasaare Sharmaarke waxaa laga baqdin qabaa in wasiiradan cusub ay diidaan xildhibaanada.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa diidan in waqti kordhin loo sameeyo xiliga cod qaadista xukuumadda cusub waxay doonayaan oo ay qorsheeyeen in ay diidaan.

Qof ku sugan Madaxtooyada ayaa u sheegay Allgalgaduud  in xaaladdu ay aad u xun tahay oo laga baqdin qabo in xukuumaddan aysan helin codka loo baahnaa.

Baarlamaanka ayaa isku diyaarinaya sidii ay codka ugu qaadi lahaayeen xukuumadda cusub Haa iyo Maya.