War Deg-Deg Ah:Wariyeyaasha oo looga yeeray xarunta madaxtooyada iyo wasiiradi La Diiday Oo Aan Soo Laabanayn.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu caawa ku dhawaaqayo golaha wasiirada xukuumadda.

Saxaafadda ayaa looga wacay xarunta Villa Somalia si ay u soo tabiyaan, waxaana war ay heshay Allgalgaduud uu sheegayaa in liiska golaha lagu dhawaaqayo ayna ku jirin Wasiiradi la diiday.

Baarlamaanka mudanayaal ka tirsan ayaa shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen ku sheegay in aysan aqbali doonin haddii lagu soo daro wasiiro ay ka digeen sida.

Dhinaca kale Galaha Wasiirada cusub ee lagu dhawaaqayo ayaa haba yaraato’e waxaa ku jirin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isku soo wada duuboo waxaa seefta qaaday Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xuseen Cabdi Xalane, Faarax Sheekh C/qaadir iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…