Deg-Deg:Wasiir dalbaday inuu iscasilo kadib markii uu quursaday xilka loo magacaabay "Waa kuma?"

0

Warar hordhac ah oo aysan Allgalgaduud wali xaqiijinin ayaa sheegay in Fahad Yaasiin oo loo magacaabay wasiirka dekadada iyo gaadiidka badda uusan ku faraxsanayn xilka loo magacaabay  sidaas darteedna uu doonayo in magaciisa laga saaro golaha wasiirada.

Warar ayaa sheegaya in Fahada Yaasiin uu la kulmay madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha una sheegay in magaciisa laga saaro golaha wasiirada.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in wasiirada qaar aysan doonaynin xilka loo magacaabay, halka wasiiro hore iyo xildhibaanno ay arrintaan aad uga caroodeen.

Lama oga haddii iscasilaadda Fahad la aqbalo cidda lagu bedalayo.

Fahad Yaasiin ayaa wariye kasoo noqday telefishanka Aljazeera waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay ragga aadka ugu dhow Villa Somalia.