(Dhageyso) Aas Qaran oo loo Sameynayo Marxuum Xaabsade.

0

Waxa maanta Magaalada Baydhabo la filayaa in lagu Aaso Meydka Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya Habeen Horena ku dhintay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Waxa la diyaariyey Aas qaran oo loo sameyn doono Meydka Marxuum Xaabsade waxaana la filayaa in xubno katirsan Maamulka Koonfur Galbeed inay ka qeyb galaan Duugtaasi.

Maxamed Xasan Fiqi oo ah Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Gudi usaareen qaban qaabada loo sameeyo Meydka Marxuum Xaabsade oo caan ka ahaa deegaanada Gobollada Bay iyo Bakool.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AADAN XUSEEN KA DIYAARIYEY AASKA LOO SAMEYNAYO MARXUUM XAABSADE: