(Dhageyso) Axmed Diiriye oo sheegay in wasiirada la diidan yahay la weydiiyo beelahooda

0

Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa Baarlamaanka ka codsaday inaysan Caqabad ku Noqon Xukuumadda laga sigayo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke,

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Banadoon Axmed Diiriye Cali  ayaa warbaahinta u sheegay in Xubnaha Wasiirada loo magacaabay ee ay ka soo horjeesteen Baarlamaanka Dalka ay yihiin dad karti leh oo gudan kara Howlaha loo igmaday isaga oo ku baaqay inaysan Caqabad Dowladda ku noqon XCildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,

Axmed Diiriye ayaa xusay in beelaha ay ka soo jeedaan wasiirada la diidan yahay aysan ku dhaganeen beelahooda taasina ay muhiim tahay in la iska fasaxo.

Halkan ka dhageyso: