(Dhageyso) Beelo Dirirsanaa 35 Sano oo Ku Heshiiyey Galgaduud.

0

Labo beelood oo walaalo ah oo wada dega gobolka Galgaduud ayaa heshiis taariikhi ah ku gaaray shir ay isugu yimaadeen magaalada Cadaado ka hor inta uusan furmin shirka maamul u samaynta gobolada Dhexe, maamulkaasi oo beelaha gobolada dhexe oo dhan ay markii ugu horeysey wax ku wadaagayaan.

Sida uu Goobjoog u sheegey Suldaan Beyle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolada Dhexe, dagaalada iyo xurgufta u dhaxaysay beelaha Wagardhac iyo Saleebaan ayaa waxa ay soo bilaabatay 35 sano ka hor, taasi oo ugu dambeyntii qalinka lagu duugey heshiis taariikhi, iyada oo labada dhinac ay is uur xaarteen.

“Haddii aan maamul la helin dib u heshiisiini ma jirto, iyada oo dib u heshiisiin jirina maamul lama helayo, sidaasi darteed waxaan biloow, in aan ka faa’iideysano, u faa’iideyno ummaddeena, in aan dib u heshiisiintii galo, waxaan ka biloowney meeshii xabbada ka biloobatay 35 sano ka hor” ayuu yiri Suldaan Beyle

“Xabbadda meesha ay ka bilaabatay waxa ay ahayd dadka beesha dhabbad ee wagardhac iyo caddaado oo saleebaan ah, waxaan soo xulney (guddi) , wixii uu illaahay rabo waa fulaayaane, 55 xubnood oo isugu jira salaadiinta, ururada bulshada rayidka, culumada , haweenka, dhalinyarada, iyo ganacsatadii iyagoo kooxo kooxo ah, waxayna kasoo baxeen Dabbad iyo magaalada Caabudwaaq, iyaga oo aanan ciidan iyo hubtoona wadanin, soo aaday in ay nabadda ku dhigaan, kuna qabtaan Cadaado , ku heshiiyaan 35 sano kadib iyada oo aanan shuruud lahayn” ayuu intaasi raaciyey

Mar uu sharaxayay sida isu qaabileen labada beelood ayuu yiri “Qoladii reer Saleebeen ee Cadaado waxa ay kaga hortageen (reer Caabuqwaaq) meel aad u fog oo soo dhaweyntooda waxaa loo sameeyey si walaalnimo ah, waa la fariistey, waxaana lagu heshiiyey in wax xisaabtan oo wax la’is yeeley ah uusan dhicin, sababtoo ah maba la kala guri karo illaa qiyaamaha wixii dadka kala gaaray”

“Waxaa la goostey oo la’isku afgartay in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo, wixii 35 sano soo dhacay, waa laga heshiiyey, waana la’isla qaatay” ayuu intaasi ku daray.

Heshiiska kadib waxaa la saaray guddi sida uu sheegayo Suldaan Beyle “Kadib waxaan samaynay guddi farsamo oo diyaariya wixii hadda kadib dhaca, sidii xeer looga samayn lahaa, qofkii qof dila, qofkii qof dhaca,. Qofkii qof kufsada, waxayna ku baaqayaan guddigani in meelihii wax ka dhaceen gobolada dhexe sida Saaxo oo kale oo ay sidii beesha reer Sacad oo kale yeelaan, oo ay yiraahdaan walaalayaaloow kaalay aan heshiinee, waxaana loo xilsaaray beesha reer Xaaji Saleebaan”

Arrintani waa mid taariikhi ah oo muujineysa sida Soomaaliya ay oga soo kabanayso colaadaha sokeeye, islamarkaasina looga heshiinayo waxyaabihii dadka Soomaaliyeed horey u dhexmaray.

Sidoo kale maamul goboleedyada la dhisayo ayaa keeney fursado ay ku wadli karaan , kuna heshiin karaan beelaha xurgufta dhexmartay maadaamaa ay wax isku darsanayaan, maamulna wada dhisanayaan.

Dib u heshiisiin tan oo kale ah waxa ay ka socotaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah sida maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada Afgooye ka furey shir dib u heshiisiineed oo beelo dagaalamay loo qabtay, waxayna tani soo dadajin kartaa in beelaha Soomaaliyeed ay heshiiyaan, una jiheystaan xagga horumarka.

Hoos Ka Dhagayso: