(Dhageyso) Biyo la'aan baahsan oo ka taagan deegaanno ka tirsan gobalka Gedo ee Koonfur galbeed dalka

0
Biyo yari  aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada  degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii  ugu adkaa.
Tuullooyinka ugu daran ee Biyo la,aantu ay sida daran u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Daabley,Godey,Caano maal,Reysqode,Qadiidaa,Buraa iyo qaar kale kuwaasoo dhowr xilli roobab oo is xigay aanan helin roob lagu diirsaday,islamarkaana dadka iyo duunyadu xilligan ay liitaan Oon iyo haraad kulul.
Sh Maxamed Deerow oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Daabley oo Garbahaarey u jirta ilaa 40 km ayaa  sheegay in xaalada Tuuladaasi iyo kuwa kale dadka degan ay soo wajahdey Biyo la,aan,isagoo sheegayna fuustadii biyo ah in ay ka gaartey Tuulada Daabley lacag dhan 80kun oo sh,so,taasoo uu sheegay lacagtaasi in ayan awoodin.
Sh.Maxamed ayaa waxaa uu intaasi ku darey dadka deegaanka markii hore in ay biyaha ka heli jireen Togag iyo waro,balse togagii iyo warahii biyaha oo gurey ayaa keentay in Biyo ganacsi ah ay gataan dadka deegaanka,iyagoo biyahana u doonanaya meelo  8km u jirta Tuulada,biyahaasina ma ahan ayuu yiri  kuwo nadiif ah.
Dhibaatada Biyo la,aaneed ee ka taagan tuullooyinkaasi  maalmahii ugu dambeeyey ayaa waxaa ay ka dameysay ka markii ay ka gureen tuullooyinkaasi wariha ,Togagii iyo ceelasha ay dadka biyaha ka heli jireen,iyadoo dadkii Xoolaleydana la sheegayo in ay u hayaameen deegaano kale.
Halkan ka dhageyso: