(Dhageyso) Ciidamo Tabobar Loogu Soo Xirey Magaaladda Baladweyne.

0

Ciidamo boolis ah oo gaaraya illaa 250 askari ayaa maanta tabobar loogu soo xirey xero ku taala duleedka Baladweyne oo lagu magacaabo Ceel Jaalle.

Tabobarka ayaa waxaa bixinayay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Col. Isaaq Cali Cabdulle waa taliyaha Booliiska Hiiraan, isaga oo la hadlayay askartii tabobarka loosoo xirey ayuu yiri “ Tabobarka waxa uu u qeybsanyahay noocyo kala duwan, sida dishibiliinka, jimcsiga, gaardiska, hubka sida loo isticmaalo, iyo qeybaha sharciga, booliiska waajibkiisa kaliya ma ahan in loosoo dacwoodo, wuxuu leeyahay waajibaad badan, illaalinta sharciga, dhibaato badan ayaa dalka ka jira, waa dadkii sharciga iyo kala dambeynta soo celin lahaa, la dagaalanka musuqa, nabadgalyada,. Cadaalada, difaaca wadankooda” .

Cabdifataax Xasan Afrax guddoomiyaha dowladda ee gobolka Hiiraan oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri “Booliska in muddo ah wa dayacnaayeen, hilmaam fara badan, laakiin anaga waxaan muujineynaa in aan dowlad nahay, in aan anaga talaab qaadno, ma ahan dufcadan ma ahan tii ugu dambeysay, illaa 2 kun ayaa la wadayaa, waxay anfacayaan gobolka iyo qaranka Soomaaliya, sharciga in aad illaalisiin, shacabka iyo hantidooda”.

Horaan ayaa tabobaro kuwan oo kale ah ay u heleen ciidamada booliiska Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso: