(Dhageyso) Dagaal Ka Dhacay Gobalka Gedo Iyo Ahlu-sunna Oo Guul Sheegatay.

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa Ahlu-sunna Waljameeca iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalka Gedo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa duulaan ku qaaday ciidamo ka mid ah Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano u dhaxeeya Baardheere iyo Buurdhuubo, waxaana halkaasi ka dhashay qaaare nafeed.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ah Afhayeenka Ahlu-sunna waljameeca , ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xoogan, dhankoodana Laba Askari ay kaga dhimatay.

Waxa uu sheegay in dagaaladaan ay uga golleeyihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen dhamaan deegaanada gobalka Gedo ay kaga sugan yihiin ciidamada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaaladaasi, waxaana xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhaq dhaqaaq ciidan oo Labada dhinac ah la daraamayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso: